Duur-joogta ' Wildlife'

Maanta la joogo waxaa carro-edeg oo dhan ka aaloosan qeylodhaanta ku saabsan dhibaatooyinka deegaan ee isbedelka cimiladu ugu weynyahay. Meelaha walaaca adagi ka jiro waxaa ka mid ah hoos u dhaca baahsan ee ku yimid tirada duurjoogta adduunka. Duur-joogtu waa xayawaano u koro ama u dhaqan si ka madax bannaan xanaannada dadka. waxaana lagu tiriyaa hantida qaran ee ummadduhu leeyihiin. Noocyada kala ah naasleyda, shimbiraha, xamaaratada iyo kalluunka waxaa ku dhacay hoos-u-dhac gaaraya 69% celcelis ahaan tan iyo 1970, marka loo eego WWF's Living Planet Report 2022. 

Afrika marka la eegana in ka badan 6,400 oo xayawaan ah iyo 3,100 dhirta Afrika ayaa halis ugu jira in ay dabar go'aan, sida ururka International Union for the Conservation of Nature (IUCN) uu xusay. Khatartan waxaa inta badan sababteeda leh arrimo isbiirsaday oo ay ficilada dadku keenaan sida; ugaarsiga, ka ganacsiga sharcidarrada ah, iska horimaadka aadanaha iyo duurjoogta ( human-wildlife conflict ), luminta deegaanadii hoyga u ahaa, saameynta isbedelka cimilada, ka faa’iidaysiga xad-dhaafka ah ee kheyraadka, xaalufka iyo abaaraha. 

Dhulka soomalida waxa uu hodan ku ahaa duurjoog tiro badan oo kala nooc ah qarniyadii 19aad iyo 20aad iyo intii ka horeysay, hadase waxa ay duurjoogtu ku sugantahay xaalad dabar go` ah oo wax ka qabasho degdeg ah u baahan. Soomaaliya waxaa lagu tiriyaa wadamada ugu qanisan Afrika, xaga duur-joogta taas oo ay ugu wacan tahay noocyada kala duwan ee laga helay, taas oo ka tarjumaysa kala duwanaanshaha sare ee dhanka deegaanka ah. Waxaa la diiwaangeliyay 1.134 noocyada laf dhabarley ah, (vertebrate species) oo ka kooban 655 nooc oo shimbiro ah (8 endemics), 72 kalluun biyo nadiif ah (21 endemics), 232 amphibians iyo xamaaratada (82 endemics) iyo 175 naasley ah (29 endemics) (Amir, 2006). 

In kasta oo ay jireen dadaalo aan badnayn oo ay dowladdii dhexe ee soomaaliya samaysay. Duur-joogta Soomaaliyeed weligood ma helin hanaan macno leh oo lagu ilaalsho iyo deegaanno shiran (Protected areas) oo ay kaga nabad galaan dhibaatada dadka kaga timaada, ama daryeelka lagama- maarmaanka u ah jiraalkooda sida duurjoogta adduunka kale.

 Xaaladda ugaarsiga duurjoogta Soomaaliyeed ayaa aad u korortay kadib burburkii dowladdii dhexe ee soomaaliya iyada oo ay ugu wacantahay: 

  • Kaalintii dowladda oo meesha ka baxday iyo colaadahii sokeeye ee dalka ka dhacay oo sahlay in hubku carrada ku baaho taa oo fududeysay ugaarsiga iyo ka ganacsiga duurjoogta. 
  • Isbedelka cimilada sigaar ahana Abaaraha soo laalaabta oo yareeyay daaqii iyo biyihii, sidoo kalena duruufaha dhaqaale ee abaarta ka dhasha ayaa badiya baahiyaha dadka ee hilibka ugaarta la xariira.
  •  Qeyb ka mid ah ugaarta waxaa loo adeegsadaa daawodhaqameed ahaan, sidoo kale waxaa hooseeya wacyiga bulshada ee duurjoogta ku aadan. 

Sidaa darteed waxaa loo baahanyahay baraarug khatartaas wax looga qabto sida: in la hirgeliyo siyaasadaha jira ee deegaanka la xariira, sahminta wixii duurjoog ah ee hada dalka ku haray, wacyigelin ku saabsan ahmiyadda duurjoogta iyo ilaalinta deegaanka iyo hirgelinta mashaariic lagu hormarinaayo bulshada miyiga ku dhaqan si looga baaqsado ugaarsiga sharcidarrada ah. 

Raadraac :

Amir, O. G. (2006). Wildlife trade in Somalia . 6.

Comments

Popular posts from this blog

Life after Graduation: Challenges, Recommendations, and Way Forward

Carro-guur. 'Soil erosion'