Duur-joogta ' Wildlife'
Maanta la joogo waxaa carro-edeg oo dhan ka aaloosan qeylodhaanta ku saabsan dhibaatooyinka deegaan ee isbedelka cimiladu ugu weynyahay. Meelaha walaaca adagi ka jiro waxaa ka mid ah hoos u dhaca baahsan ee ku yimid tirada duurjoogta adduunka. Duur-joogtu waa xayawaano u koro ama u dhaqan si ka madax bannaan xanaannada dadka. waxaana lagu tiriyaa hantida qaran ee ummadduhu leeyihiin. Noocyada kala ah naasleyda, shimbiraha, xamaaratada iyo kalluunka waxaa ku dhacay hoos-u-dhac gaaraya 69% celcelis ahaan tan iyo 1970, marka loo eego WWF's Living Planet Report 2022. Afrika marka la eegana in ka badan 6,400 oo xayawaan ah iyo 3,100 dhirta Afrika ayaa halis ugu jira in ay dabar go'aan, sida ururka International Union for the Conservation of Nature (IUCN) uu xusay. Khatartan waxaa inta badan sababteeda leh arrimo isbiirsaday oo ay ficilada dadku keenaan sida; ugaarsiga, ka ganacsiga sharcidarrada ah, iska horimaadka aadanaha iyo duurjoogta ( human-wildlife conflict ), lumi...