Carro-guur. 'Soil erosion'


"Maxay damal weyn shiteen 

Maxay qudhac deebiyeen

Waxay dab sudheen dhirtii

Dhulkay midab-dooriyeen

Bal eeg degelkii hufnaa, 

Bir iyo waxa daasad yaal". Dabahuwan —Hadraawi

Carrada oo ah lakabka sare ee dhulka kaa oo isku xira dhammaan nolosha dhulka ka jirta. Waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah kheyraadka ugu qaalisan ee aadanaha.

Tan iyo markii uu hanaqaaday kacaakii warshadaha, deegaanku waxa uu wajahayay dhibaatooyin tiro beel ah oo uu carroguur-ku ka mid yahay. Carroguur-ku waa lumida carrada qeybteeda kore ee hodonka (fertile) ah, taa oo aasaas u ah wax soo saarka beeraha iyo guud ahaan korintaanka dhirta. Waxaa lumay kala bar carradii kore ee dhulka 150kii sano ee la soo dhaafay. dhir xaalufinta ayaa ah sababta ugu weyn ee carroguur-ka dhalisa.

Dhirgoynta, dhuxulaysiga, beerofalashada xaalufinta daaqa, abaaraha, roobyarida, daadka, dabaylaha iyo guud ahaan isbedelka cimilada, ayaa loo tiiriyaa sababaha ugu waaweyn ee carroguur-ka dhaliya.

Dhibaatadaa deegaaan ee 'carroguurka' waxay saameysaa tayada carrada, biyaha iyo hawada, iyada oo keenta wasakhow ku yimaadda hawada, biyaha, webiyada, haraha iyo xirmidda biyodhaca, baliyada, iyo marin-biyoodyada. Waxa kale oo ka dhasha tayo dhac iyo Saxarow ku yimaada deegaanka taas oo khatar ku ah caafimaadka iyo kaladuwananta nololeed (biodiversity) ee deegaanka.

Sida aad sawirka hoose oo ah tuulo ka mid ah galguduud, ka garan karto, carroguur-ku waxa uu gaaray heer uu guryaha iyo ceelasha aaso, waxa uu si gaar ah ugu badanyahay magaalooyinka xeebaha dhaca.

Waxa ay tusaalo cad u tahay dhibaatada baaxadda leh ee aan deegaanka gaarsiinay, malahaygana xal u raadinteeda gu yaasha dhaw uma heelanin!.

"Banaankii Hargeysa koonfur ka xigay oo xaaluf ba’ani ku dhacay iyo keymaleydii dabi jirtay boodhka ama hakin jirtay xawaaraha dabaysha oo si xun loo rifay ayaa keenaya in dabaylxagaadu rarto ciidda. Cirkaas korkeenna ah ee casaaday waxa uu ku raran yahay ciiddii hodanka ahayd. Hantiguur xunbaa innagu socda! Indhaheenna oo "shan" ah ayay qaarado kale u rarmeysaa!" Ahmed Ibrahim Awale .

"Dhulkii derrimaha lahaa

Deegaantiyo baadku yiil, 

Dabaylo cas baa ka kacay." Dabahuwan —Hadraawi. 

Yagleelida gibil-dhireed (vegetation cover) gundhin u noqda carro nageyta ( soil stabilization) iyo hakinta xawaaraha hawada iyo daadka, ayaa ah sida ugu sahlan ee xal loogu heli karo dhibaatada carroguurka.




Comments

Popular posts from this blog

Life after Graduation: Challenges, Recommendations, and Way Forward

Duur-joogta ' Wildlife'