Maantoole

 Maantoole

Noloshii miyiga ee aan soo gaarnay waxaa ku yaraa baagamuudada oo dadka reerka oo dhami qofba kaalin ayuu ka lahaa, markaa sidii subaxa hore qofba howsha meesha uu ka leeyahay uga aado ayaa fiidkii la isku soo gurya noqon jiray, inta xoola aqoolka iyo karinta wixii la cuni lahaa lagu guda jiro, waxa ay dadka waaweyni caruurta ku maaweeli jireen sheekooyinka abka soo gaar ah ee nolosha wixii laga kasbay ku saabsanaa, halxiraale, googaaleysi, sheeko xariiro iyo wixii la halmaala si garaadkooda wax loogu biiriyo, loona baro afkooda iyo hidahooda, sidoo kale aysan cashada uga hurdin caruurtu.

Maaweeladaas lagu fiidsado waxaa loo aqoon jiray maantoole waayeelku ilmaha ugu maantooleeyo, ama dhalinyaradu dhexdooda ku maantooleysato, wuxuu ahaa dugsi madaxbanaan oo waayaha aduun ee ummadda laga soo barto.

Maxaad ka xasuusataan?.

Comments

Popular posts from this blog

Life after Graduation: Challenges, Recommendations, and Way Forward

Duur-joogta ' Wildlife'

Carro-guur. 'Soil erosion'