Geedku waa gacalkaa

Geedku waa gacalkaa. Maanta waa 17 April oo ku beegan maalinta dhirta soomaaliyeed, waa maalin ay tahay in mudnaanta geedku leeyahay la is xasuusiyo, lana sameeyo hal ku dhigyo lagu muujinayo ahmiyadda dhirta, iyo olole dhirbeeris ah oo dhiig joojin u noqan kara dhir-jarista baahday oo dhulkeena taala. Sanadkaan waxa ay ku soo aaday April oo intii hore ka kulul oo cidwalba ay muhiimada geedku leeahay garawsan karto. Maanta la joogo dhibaatada deegaan ee dhulka soomaaliyeed ka taagaan waxaa uga weyni waa dhir jarista, hadaba maxaa dhacaya hadii dhirta la mooro duugo oo dhulka la arradiyo. "Marka meel dhirtu ku yaraato biyaha roobku wax ay waayaan wax hakiya si ay dhulka u galaan oo ciidda u waraabiyaan, qulqulkooduna wax uu qaadaa carradii kore ee wax beeri lahayd iyo cufkii iyo xaabkii ay carradaasi dugsanaysay ee korkeeda yaallay. Biyaha socda midabkooda casaanka ahi wax kale ma aha ee waa dheeftii ay wax ka bixi lahaayeen oo guuraysa, ilaa bacaad cadi meeshii ku soo hadho. Tab...