Habfekirka mala' awaalka ah
Habfekirka mala' awaalka ah. "Hormarkaa naloo diidanyahay".
Waxa uu isu arkaa barafisoor gaamuray oo aqoontii iyo ogaalkii dunidu sal dhigatay, wuxu fagaara kasta uga qudbeeyaa; in aan nahay dadka aduunka ugu kartida iyo aqoonta badan, dhulka ugu hodonsan ku noolnahay, xoolaha iyo dhul-beeraadka aan cid kale oo haysataahi jirin Alle nagu manaystay, wuxuu ku nuux-nuuxsadaa khayraadka bada iyo bariga ceegaaga, sida aduunyadu isugu haysato gurashadiisa, asiga oo intaa raacinaya mooganaanta dadka — 'badmaceeye'.
Ninka sidaa wax u qaadaa dhigaya, waxa uu u-shaqeeyaa haayad shisheeye, oo waaba shaqaaale aan waligii shaqo asiga iyo ummaddu u aaydo ka curin — dalka uu hodontinimada jeebkiisa ah u ximbaariyay, dadka kartida badanina ku noolayeen.
Wuxu aad u dhaliilaa haayadaha samafalka ee kuwa UN-ku ugu horeyaan, wuxuu u arkaa dad cuuryaaminta ummadda u soo shaqa tagay, sidaana ay hormarka ugala dagaalamaan dalkiisa. Waxa uu aad uga xajiimoodaa mar walba oo uu maqlo ummad la tabaalaysan biyo la'aanta iyo baad la'aan ee ku hadaaqaya; "beesha caalamku hanaga soo gaarto!" Maba xasuusna in kaalintiisii maqantahay! , sidaa oo ay tahay inta maalin gelinkeed isla yaabo ma fekiro, far ma dhididsado oo wax teridda ummadaas iskuma howlo. Bal is weydii lexjeclada asiga laga waayay ee ay tahay in shisheeyaha laga helo, malaha kuwa cuntada dhacda keenaa dhaama!.
Ninkaa ummada uu qiiro jabaanka ku qalajiyo waxaa dhibaatada haysato badankeed loo sababeyn karaa labada cadow ee kala ah: 'jahliga iyo faqriga' waa labo cadow oo ummadii qabta si toos ah ama si dadban ugu nugleeya waxa ay cadow kale leedahayoo dhan. Cadowga waxdheefka haysta ayaa uga faaiidayta baahida, asiga oo aqoon yarida jirtana ugu dugaala, sidaana ku dulaysto. Ma waxaa jiro wanaag ummad loo galo oo la-dagaalanka labadaa cadaw dhaafa ama ka muhiimsan.? Bal intii tabari gaartaba muu intaa uga hiiliyo.!
Wax ka madoobeyaba taaa ma heleelo oo iskuma howlo hormarin waxbarsho iyo wax soosaar ummadu baahida uga baxdo, ee wuxu maalin waliba qaada dhigaa sheeko xariiradii ciwaankeedu ahaa "hormarka naloo diidanyahay", kaba dhiga in naloo diidanyahay, kolka yaa kaarkii ogolaanshiyaha looga fadhaa?. Intii uu dhalinyarada ku waani lahaa ad-adayg, aqoon isku hubayn, iyo in ay ku dhiiradaan sidii ay naftooda iyo ummaddooda meel uga soo saari lahaayeen, waa kaa Mala 'awaalkiisaas ka haqabtiray, intii aan wacyi wax kala hufa lahayna sidaa uga dheragtay, wayna kaa oo hormarkaa naloo diidanyahay.!
Wacyiga la sheegaba waa raadinta salka iyo sababta waxwalba ee bal sedee xaqiiqada uga taba tagnaa?.
Comments
Post a Comment