Geedku waa gacalkaa

 Geedku waa gacalkaa.

Maanta waa 17 April oo ku beegan maalinta dhirta soomaaliyeed, waa maalin ay tahay in mudnaanta geedku leeyahay la is xasuusiyo, lana sameeyo hal ku dhigyo lagu muujinayo ahmiyadda dhirta, iyo olole dhirbeeris ah oo dhiig joojin u noqan kara dhir-jarista baahday oo dhulkeena taala. Sanadkaan waxa ay ku soo aaday April oo intii hore ka kulul oo cidwalba ay muhiimada geedku leeahay garawsan karto. Maanta la joogo dhibaatada deegaan ee dhulka soomaaliyeed ka taagaan waxaa uga weyni waa dhir jarista, hadaba maxaa dhacaya hadii dhirta la mooro duugo oo dhulka la arradiyo.

"Marka meel dhirtu ku yaraato biyaha roobku wax ay waayaan wax hakiya si ay dhulka u galaan oo ciidda u waraabiyaan, qulqulkooduna wax uu qaadaa carradii kore ee wax beeri lahayd iyo cufkii iyo xaabkii ay carradaasi dugsanaysay ee korkeeda yaallay. Biyaha socda midabkooda casaanka ahi wax kale ma aha ee waa dheeftii ay wax ka bixi lahaayeen oo guuraysa, ilaa bacaad cadi meeshii ku soo hadho. Tabtaas oo kale kolka dabayshu waydo dhir celisa oo xawaaraheeda hakisa wax ay la duushaa cufkii dhulka yaallay ee ciiddu weheshanaysay, wax ayna qaaddaa dheeftii kore ee dhulka, waana ta noqota siigo cas. Inta badan nafaqada ama labeenta dhulka ee daadka iyo dabaysha raacday wax ay ku shubantaa oo ku baabba'daa godad ay ku qudhunto sida baraagaha, balliyada iyo badaha. Sannad kasta dhulku wax uu sidaa ku waayaa malyuumaad tan oo dheef ah." Ibraahim Howd.

Kol hadii aqoonta geedaha loo leeyahay iska gaabantahay waxa aan qiimaha geedka ku jaan gooynay, hadba ooda iyo agabka uu noqon karo, mayee tayda dhuxusha uu dhali karo, waa yartahay cid is weydiisa eesha danbe ee ka imaan karta.

Sida dhabta ah se dhirtu intaas waa ka xeel dheertahay, waxa ayna nooga baahantahay, xil iska saarid, illaalin iyo daryeel joogta ah.

Sida dadku miyirka iyo marada ugu asturanyahay

Ayuu dhulkuna dhirta ugu asturanyahay, nolal kastaa oo ka jirtaa ugu tiirsantahay, sidaa darteed waxaa kula gudboon in aad dhulka arradin oo aadan dhirta jarin, sidoo kale aad arrad tirto dhulka oo aad dhir beerto hadba intii aad kari karto.

“Dhirta oday xidaariyo

Awliyaa ka dhalatoo

Waa akhyaar la moog yahay.

Hal-abuurro magacliyo

Waa abwaanno qaarkood

Laga qoro aftahammada,

Dadka way in garataa

Qofka waw abtirisaa

Ka ilaali dala'siga.

Afka lagu xubeeriyo

Ixtiraamka kula hadal.

Ahlantaa xasilisee

Ha ku uur samaatee

Ehelnimo ku xadantee.

Yaanay oodda kaa rogan

Isha yaanay kugu gubin

Yay afkeeda kugu xaman

Bahal yaanay kugu odhan

Axmaq yaanay kugu qorin

Yay asaasaq kugu tolin.

Edeb baa hor joogtee

Usta! yaanay kugu hodin.

Ka ka urursanaadee

Anshaxiisa jira noqo.

Arxankaa garaabee

Doqon baa la eedaa

Yaan axsaantu kaa madhan.

Igmashada dadnimadiyo

Ku dhex joog aloosnaan,

Amranaanta kula dhaqan.” - AFKUSIRAN | 1997.





Comments

Popular posts from this blog

Life after Graduation: Challenges, Recommendations, and Way Forward

Duur-joogta ' Wildlife'

Carro-guur. 'Soil erosion'